Dowladda Puntland ayaa si toos ah ula wareegtay Mushaaraadka Ciidammada PSF-ta Puntland, kuwaas oo Mareykanku horey uga taageeri jiray Puntland dhaqaalahooda.
Dowladda Mareykanka ayaa bilo kahor joojisay taageeradii ay siin jirtay Ciidammada PSF-ta Puntland iyo Ciidammada DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona si KMG ah u sheegtay inay muddo 6 bilood ah u sii bixin doonto Mushaaraadka Ciidanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku guuleystay xuquuq u helista Ciidanka oo kamid ah tiir dhexaadka Amniga Puntland, dagaal toos ahna kula jira Ururada Argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobalka Bari iyo Sanaag.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa Shabakadda Idil News u xaqiijiyay in Madaxweyne Deni oo dhowaan booqday dalal uu kamid yahay Imaaraadka Carabta uu soo helay ballanqaadka taageero laga siiyo “Tababarada, Hubka, Mushaaraadka iyo Saadka” Ciidammada PSF-ta Puntland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa ku guuleystay inuu ka hor-tago qorshe uu maleegayay Asad Cismaan Diyaano oo muddo dheer ahaa Agaasimaha Hay’adda PSF-ta oo ahaa in Ciidammada la hoos-geeyo DFS, ayna bixiso dhaqaalahooda ama la kala diro.

Talaabadan ay Dowladda Puntland kula wareegtay Ciidammada PSF-ta ayaa ka dhigan guul taariikhi ah oo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ka gaaray arrimaha Ciidammada Puntland oo Xukuumadihii ka horeeyay ay ku fashilmay, waxaana ay Ciidammada mari doonaan nidaamka dib-u-habeynta Ciidammada oo ay horey u mareen Ciidammada Daraawiish-ta iyo Booliska Puntland.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.