Puntland oo soo bandhigtay khasarihii ka dhashay roobabkii iyo daadadkii (Daawo)

Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay roobabkii & daadadkii ku soo rogmaday deegaano ka tirsan Gobolada Sanaag & Nugaal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdi raxmaan Dhabancad oo maanta oo Axad ah Saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay khasaare kala duwan inuu ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay deeganada Puntland.

Dhabancad ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo danabyo (biriq) ay tuureen roobab mahiiggaana oo ka da’ay gobollada Nugaal iyo Sanaag saacadihii la soo dhaafay.

Waxa kale uu sheegay dad gaaraya 100 Qoys inay ku xoolo beeleen roobabkaasi da’ay, islamarkaana dadkaasi hadda ay haysato xaalado kala duwan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay 17 wado oo ka tirsan Gobolada Sanaag & Nugaal inay jareen daadadka ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaay ee saacadihii la soo dhaafay da’ay.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland inay fadhiga ka kacaan oo ay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobabkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay deeganada Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading