Puntland oo soo dhaweysay heshiiskii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay Heshiiskii ay xalay ku gaareen Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Doorashada.

Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading