Puntland oo wada dadaalo lagu samata-bixinayo Shacabka Qardho

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegaya in magaaladaas ay ka socdaan dadaalo lagu samata-bixinayo Dadka ay saameeyeen Daadad xalay kusoo rogmaday Qardho.

Daadadkan oo ka dhashay roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay dhulka Buuraleyda ah, ayaa sababay inay dumaan guryo dad shacab ah lee yihiin, sidoo kale biyuhu qaataan Gaadiid iyo Goobihii ganacsiga ee ku yaalay magaalada Qardho.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Karkaar G/Dhexe  Cabdi Caseyr Yuusuf, ayaa sheegay in illaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux, balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob lagu haayo.

Sidoo kale, G/dhexe Caseyr ayaa sheegay in Ciidanka amnigu Dowladda Puntland ay wadaan gurmadyo deg deg ah oo la sameynayo shacabka, lana soo bad-baadiyay tan iyo xalay shacab fara-badan oo ku jiray guryo ay daadadku qaadeen iyo Xaafado go’doon galay.

Doonyo Fara-badan ayaa la sheegay inay ku baaba’day Daadadka xalay ku dhuftay Magaalada Qardho, waxaana jira burbur ku yimid Laamiga isku xira Gobalada Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaana la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo gurmad balaaran iyo xaalada ka dhalatay Daadadkaas.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading