Puntland oo xabsiga dhigtay darawalada gaadiidkii waday dadkii lasoo raafay

Ciidammada Booliska Puntland ayaa xabsiga dhigay darawaladii gaadiidkii soo qaaday dad ay maalmo kahor Somaliland kasoo raaftay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Dadkan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Somaliland ka qabqabatay magaalada Laascaanood, waxaana ay kusoo rartay gaadiid, iyadoo Puntland ay dib u dajin ugu sameysay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Lama oga sababta keentay in Puntland ay xirto darawalada gaadiidkii lagu soo daabulay dadkan, balse warar ay heshay Idilnews ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadkii lasoo raafay ay dacwad ka gudbiyeen darawalada gaadiidka, oo ula dhaqmay si arxan-darro ah.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading