Puntland Oo xanibtay diyaaradii qaadi lahayd tababarayaashii U dhashay Imaaraadka Carabta

Garoonka diyaaradaha Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu xanibay diyaarad ay leedahay Imaaraadka.
 
Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay xanibeen diyaaradan oo u timid Bosaso daabulida tababarayaasha ciidamada Imaaraadka oo Puntland ka baxaya,kadib khilaaf soo kala dhecgalay labada dowladood.
 
Tababarayaasha Ciimada Badda Puntland saakay baxayay,ayaa diiday in la baaro diyaaradoodii taasoo la sheegay in la saarayay boorsooyin waa weyn.
 
Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in alaabta baaritaan la’aan aysan mareynin garoonka,iyadoo dhinaca kale saraakiisha ciidamada Imaaraadka ay ku adkeysteen inaan la baareyn oo ay alaabta gudbeyso.
 
Lama garanayo waxa ay sido diyaaradda oo ku jira boorsooyinka iyo Sanaadiiqda la sheegay in ay saaranyihiin diyaarada kuwaas oo ay saraakiisha ciidamada Imaaraadku ay diideen in la baaro.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading