Puntland oo xoojinaysa Tayo-dhowrka Badeecadaha soo galaya Degaanadeeda (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi, ayaa sheegay in Puntland ay xoojin doonto Baarista Tayada Badeecadaha, Daawooyinka iyo Waxyaabaha kale ee soo gala deegaanadeeda.

Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan hubinta Tayadaha Waxyaabaha soo gala Degaanada Puntland, gaar ahaan waxyaabaha ka imaada dalka Dibadiisa ee laga soo dajiyo Dekedda Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu mahad-celin u jeediyay Shaqaalaha ka shaqeeya Tayo-dhowr badeecadaha soo galaya Degaanada Puntland, isagoona kula dar-daarmay inay sii dardar-geliyaan howsha wanaagsan ee ay u hayaan Bulshadooda.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading