Puntland oo xukun ku riday 5 Nin oo ku Eedeysan Kufsi-wadareed (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 5 nin oo ku eedaysan kufsi la sheegay in uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo kusfi wadareed 22 bishii la soo dhaafay ee February  gabar ugu gesytay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xeer ilaalaiye ku-xigeenka guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in eedeysanayaashadilka toogashada lagu xakumay loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeeraka kusiga iyo xeerka afka cinqaabtaSoomaaliyeed.

Dhaliyarada kufsiga geysatay oo la sheegay in ay qirteen falkan ayaa afar kamid laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga soo qabtay Gaalkacyo, waxaana la go’aamiyay in kiiskooda lagu galo Garowe.

Sidoo kale Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa fartay Taliyaha xabsiga dhexwe ee Garowe in eedeysanyaashan xabsiga ku hayo inta xukunkooda oo faahfaahsan soo baxayo.

Magacayada dhalinyarada la xakumay

  1. Cabdirisaaq Xamed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir
  2. Cabdirisaaq Cali Cabi, da’diisu tahay 18 jir
  3. Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir
  4. Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir
  5. Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir.

Bishii la soo dhaafay ee February waxaa Gaalakcyo ka dhacay dhowr kiis oo kufsi ah, waxaana u dambeeyay Caasha Ilayaas Aadan oo dil iyo kufsi loo geystay, taas oo aan wali kiiskeed la xakumin.

Daawo.

Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobalka Nugaal.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading