Puntland oo yeelatay Sheybaarka Ciida Ee Beeraha

Garoowe: 20 October, 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xarigga ka jaray Sheybaarka Ciida ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland.

Sheybaarkan oo ah mid casriya ayaa Wasaaradu u adeegsan doontaa hubinta iyo sahaminta goobaha ku haboon Beeraha ee deegaanada Puntland, taas oo Beeralayda Puntland ka caawinaysa inay si fudud u helaan meelaha ku haboon noocyada dalaga ee ay beerayaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa ku boggaadiyay Wasaarada Beeraha horumarka ay sameeyeen, si bulshadeenna loogu fududeeyo sahanka beerashada oo qeyb weyn ka qaadan doona in dadku ku dhiiradaan sidii dalkooda wax ugala soo bixi lahaayeen.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Beeraha Puntland, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Puntland, Xildhibaano,, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha, Guddoomiyaha Caasimadda Garoowe iyo masuuliyiin kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading