Puntland:-Shirkii jihaynta Xukuumada oo lasoo afmeeray

Garoowe: 22 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday.

Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dar-dargeliyo shaqada loo hayo dadweynaha, Iyadoo la raacayo xogta iyo jiheynta ee loo soo bandhigay ee kana soo baxday Shirkii socday muddada 5-maalin aheyd .

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading