Puntland waa maamulka kaliya ee intuu dhisnaa ay ku liibaaneen dadkii dhistay iyo Somalida kalaba.
Haddii aad akhriso warbixinada ay hay’adaha caalamiga ahi sida UNDP ka qoraan Somaliya ama aad u fiirsato, waxaad arkaysaa in ay yihiin Deegaanka kaliya ee Dhulalka Somalidu degto markii la barbardhigo sameeyey horumar isu dheeli tirin intuu jiray.
Dhinacyada ay hormarka ka gaareen waxaa ka mid ah…
1.Dhaqaalaha Puntland oo shacabka badankii wada gaara oo aan Dad kooban Jeebabkooda ku dhicin.
Macnaha in uusan dhaqaaluhu kujirin Jeebabka Ganacsatada,Siyaasiyiinta iyo Qaraabadooda oo kaliya oo 90% shacabku sagxada oolin.
Sida warbixinno badan lagu qoray 60% Dadka Puntland u dhashay waa Dabaqada Dhexe ee Somalida, halka 30% fuquro ama xoogsato yihiin, 10% ay yihiin Dabaqada Sare qiyaas ahaan.
Halka dhulalka kale ee Somalida ay qiyaas ahaan Dabaqada Dhexe tahay 30-40, Dabaqada Hoosana ay tahay 40-50%, Dabaqada Sarana ay tahay 10-15%.
Haddii aad u fiirsato dhalinyarada Somaliyed ee Badaha Liibiya & Yemen ku dhamaada, aad ayey ugu yar yihiin reer Puntland ma’ahan inaysan kujirin reer Puntland dhalinta tahriibta ee Gobalada kale marka loo fiiriyo aad ayey uga yar yihii. taasina waxay cadaynaysaa inaysan heerkaas nafla caariga ah badankood gaadhin.
Dhanka Waxbarashada waa Gobalka Somaliya ugu horeeya siday Unicef ku warbixisay.
Dhismaha Wadooyinka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha iyo magaalooyinku,waa sidoo kale.
Tusaale”
Puntland malaha Hal Magaalo oo Dowladii,Ganacsigii iyo Aqoontii isugu tagtay Dadkuna kadaba tageen, sida Muqdisho, Hargaysa iyo Jigjiga,waxaana jira dhawr Magaalo oo si siman u kobcaya,sida,..(Garowe, Gaalkacyo, Bosaso,Qardho, Burtinle…).
Taasi waxay tusinaysaa in dhaqaalaha,Aqoonta iyo Kaabayaasha Dhaqaaluhu qeybsan yahay Deegaankana wada gaadhay.
Waa hormar raasmaal leh oo degaanka wada gaadhaya.
Waxaasi Iskama imaan ee indheergaradka, Aqoonyahanka iyo waxgaradka Puntland,ayaa sabab u ah.
Shacabku in aysan fahmin,ayaa laga yaaba, marar badana ay laab lakac iyo qiiro qaado oo waxaan dantooda ahayn daba yaacaan, balse Mar walba Ahlul-xal-Wal-Caqliga,ayaa tubta toosan ku toosinayey.
Ururkii AL-itaxaad ayaa wada qabsaday 1991.
Dagaal sokeeye oo dhexdooda ah,ayaa dhacay.
Maxaakimtii,ayaa halis galiyey.
Kooxdii N&N,ayaa halis kale galisay.
Balse intaasna waxay kaga badbaadeen in waxgaradkoodu yahay mid meel fog wax ka arka aysana leex leexin dabaylaha iyo qiiro jabaanta.
Somalida kale haku daydaan in shacabka la hogaamiyo balse aan asaga la daba socon oo hadba dhankuu u qiiroodo loola qiiroon.
Waxaa kunool oo ka shaqeysta ama barakacayaal ku ah Nus Million Qof oo Deegaamada kale ee Somalida ka barakacay ama ka shaqo tagay.
Dadkaas iyo kuwa Oromada ah ee ku nooli mahad badan ayey ka sheegtaan, cunsiriyad iyo cadaadis gooniya ahna kama sheegtaan inkastoo qaar badan oo kamid ahi ay halis amni ku yihiin oo Buuraha Galgala kaga soo duulaan.
Wadada Laamiga sanaag Bari iyo Bosaso isku xidhaysa iyo Jaamacada caalamiga ah ee laga dhisayo, kama aysan heleen Somaliland haday 100-sano kamid yihiin.
Sidoo kale reer SSC sharafta iyo karaamada ay Garowe iyo Bosaso ku haystaan abidkood ka heli mahayaan Somaliland,waana xaqiiqada lawada ogyahay hadana Dal iyo Dibad Puntland ayey wax ka sheegaan balaayo in ay ku dhacdo oo ay burburtana rabbi ka baryaan, sababta illaa hadda ma fahmin?
Puntland way ka waayo aragsan tahay, ka waxgaradsan tahay kooxdii Villada laga saaray ee rabta in ay ku awrkacsato ama ay magan galaan kana soo mucaaradaan Xukuumada Madaxweyne Xassan Shiikh.
Puntland waxa ay rabto iyo meesha ay usocoto way taqaan mugdina kagama jiro ee yeysan waxtiga iska lumin waxmagaratada iyagoo nacayb u muujinaya hadana raba in ay maciin ka helaan Puntland.
W.Q.Cabdirashiid Cali Shucaac
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.