Puntland: Waxaa sanadkii tagay gacanta ku dhignay 20 Doomood oo sharci-darro u kalluumeysanayay

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda dowladda Puntland Farah Cawaash Beeldaaje, ayaa ka hadlay kalluumeysiga sharci darada ah ee ka jira xeebaha degaanada Puntland, isagoona sheegay inay wadaan dadaalo xooggan oo ka dhan ah Maraakiibta iyo Doomaha sida sharci darada uga kalluumeysta xeebaha.

Wasiir Faarax Cawaash, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshayaal ay uga hor-tagayaan kalluumeysiga sharci-darada ah, waxaa sidoo kale uu xusay in sanadkii tagay ee 2019-kii ay Ciidanka Badda Puntland gacanta ay ku dhigeen illaa 20 Doomood oo si sharci darro uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading