Putin oo aan ka qaybgeli doonin Aaska Gabachov

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaan ka qeyb geli doonin aaska Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowga Soofiyeeti, sida uu xaqiijiyay Kremlin-ka.

Afhayeenkiisa Dmitry Peskov,ayaa sheegay in jadwalka shaqada ee Mr Putin uusan u ogolaan doonin inuu ka soo qeyb galo munaasabadda aaska ee Sabtida.

Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu salaan sharaf ka qaatay cisbitaalka Moscow ee uu Gorbachev ku dhintay Talaadadii, isagoo 91 jir ah.

Isbadalladii  Gorbachev,ayaa Gacan ka geysatay soo afjarida dagaalkii qaboobaa, balse waxaa lagu eedeeyaa in Midowga Soofiyeeti uu burburay xilligii uu isaga hogaamiyaha ahaa, taasoo uu Mr Putin ka xumaaday.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading