Putin oo cadeeyay in uu markale utartamayo Kursiga

Vladimir Putin,ayaa ku dhawaaqay in uu mar kale isu soo taagi doono in uu noqdo Madaxweynaha Ruushka marka uu xilkiisa dhamaado sanadka soo socda.

Go’aankan oo si weyn loo wada sugayey,ayaa sida muuqata shaaca waxaa ka qaaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milateriga, kadib xaflad abaal marin ah oo ka dhacday magaalada Moscow, waxaana hadda tabinaya wakaaladaha kala duwan ee Ruushka.

Afhayeenka rasmiga ah ee Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in tiro “la yaab leh” oo dadka Ruushka ah ay doonayeen in Mr Putin uu sii wado hogaaminta Ruuhska.

Codbixintu waxay dhici doontaa inta u dhaxaysa March 15-keeda iyo 17-keeda.

Putin,ayaa markii Shanaad qaban doona xafiiska hadii uu guuleysto.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading