Putin oo la waydiiyay Musharaxa uu taageersan yahay Doorashada Maraykanka

Madaxweyne Putin : ileen waa Saqajaan Ciyaal Suuq ah,Warbaahinta maraykankanka ayaa sidaas qortay .

Madaxweyne putin ayaa la weydiiyey Musharax Kamala haris iyo Donald kee ayad taageeraysaa ? wuxuu ku jawaabay sidan .

” Runtii Kamala haris,Waa qof qurxoon oo bishmo soo jiidasho leh,waxay leedahay qosol sixir ah oo aad jeclaysanayso in aadan ka jeesan .

Waxay ku Jawaabtaa hadalo kooban oo aad is leedhay waxaa qoray qof Script Writer ah khatar ah,hadalkeeda mararka qaarkeed meel aad u qaado waad garan waayaysaa .

Marka adigoo haweeney sidaas cajiib ah arkaya,sidee qof kale u taageeraysaa,Kamala haris ayaa cid kasta ka fadilaynaa hada,Markii hore Biden ayaa number-ka koowaad noo ahaa,waanse ka xumahay wuu haray ”

Dadka ka faalooday Jawaabta putin,Waxay ku sheegeen inuu u dan leeyahay Donald Trump oo ruushka ka dambeeya inuu soo baxo,Qaar kalena waxay dhaheen Waa Ciyaal suuq Kamala harsi ku Liidaya Jinsiga dumarnimo .

Adigu sidee u aragtaa Jawaabta madaxweyne Putin .

 

WD.Cabdirisaaq Juba


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading