Qaabka ama Shaxda uu Mw Farmaajo u agaasimayo Doorashada 2020-2021 Cayaar-Qof-Kaligii samaystay..!!

Qaabka ama Shaxda uu Mw Farmaajo u agaasimayo Doorashada 2020-2021
Cayaar-Qof-Kaligii sameestay..!!

Qaybtii labaad..

Mw Farmaajo waa Madaxwaynaha Dalka islamarkaa ah Murashax doonaya in marlabaad dib loo doorto 2021..

Mw Farmaajo waxa loo dhaariyey inuu dalka gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Codkiisa ah, lkn waxay u muuqataa inuu agaasimayo Doorasho Qof-Kaligiis ah.. One-Man-Election..!

Halbeega faaladayda ama Misaanka aan saarayo waa sidii loo heli lahaa Doorasho waafaqsan Dastuurka, Daah-furan, Xor ah, ay ka muuqato in si CADAALAD ku dhisan tahay loo agaasimayo Doorashadii loo balansanaa ee 2020-2021.. iyo haddii la waayo waxa la filan karo..

Su’aasha aan iswaydiinayno waa:

  1. Mw Farmaajo isagoo ah Murashax Madaxwayne, ma u dhaqmayaa inuu yahay qof Daacad ka ah in la helo Doorasho Xor ah oo Xalaal ah, isagoo fulinaaya Cadaaladii loo igmaday ee loo dhaariyey?
  2. Mw Farmaajo, ma fulinayaa dareenka iyo doonista shacabkiisa in la helo Doorasho Nabad ku dhacda oo qayb wayn ka qaadata xoojinta Kalsoonida iyo Midnnimada Ummadda Somaaliyeed?
  3. Mw Farmaajo, ma dareensan yahay in Dalka iyo Dadka Somaaliyeed ka soo kabanaayo dhaawacii ka soo gaaray Burburkii Qaranka?
  4. Mw Farmaajo, ma dareensan yahay in si mug leh loola socdo qaabka u udhigaayo Shaxda Doorashada? Mise wuxuu aaminsan yahay in Dadka ay ku jiraan Qaflad ama Kooma camiiq ah, oo aan la fahamsanayn qaabka u agaasimaayo Doraashadii lawada lahaa ee lawada sugaayey?
  5. Mw Farmaajo, ma dareensan yahay haddii la waayo Doorasho Cadaalad ku dhisan in ay dhici karto dhibaato iyo khasaaro dib u celiya Ummadda Somaaliyeed oo ay adkaandoonto in marlabaad adduunku usoo gurmado?

Walwalka aniga iyo dad badan qabaan waa in Mw Farmaajo ku socdo dariiq keeni kara in aan doorashadii loo han waynaa aysan suuragelin ama dhicinba, islamarkaa Alle kama dhigee, la fili karo iska hor imaad iyo dagaalo sababi kara Burbur iyo dib-u-dumis Qaran.

Sababaha iyo Tafaasiisha aragtidayda iyo ifo faalaha ii muuqda, fadlan kala soco Insha’Allaah, beri qaybta 3aad..

Alloow Tawfiiqda na waafaji oo Qaflada naga saar.. Amiin

Haji Mohamed Yassin


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading