Qaar kamid ah jaamacadaha Muqdisho oo Albaabada loo laabayo

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab, ayaa shaaciyay in ay qorsheynayaan in ay Albaabada u laaban qaar kamid ah jaamacaddaha ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo oo aan buuxin shuruudaha wasaaradda waxbarashada.

Wasiir Carab ayaa sheegay in dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin jaamacado tayo leh, maadaama ay dhiibayaan lacag sidaas darteeda lasoo reebi doono kaliyaha kuwo tayada wanaagsan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ay diwaangaliyeen dhammaan jaamacaddaha ku yaalla Dalka, haddana ay waddaan qiimeynta heerka tayada waxbarashada, isagoona intaas ku daray inay qorsheynayaan in ay xiraan ka hor doorashada kuwo liita ee aan buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading