Qaban-qaabada munaasabadda saxiixa heshiiska Madaxda Soomaalida oo ka socota Muqdisho

Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay Teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho ayaa maanta hakad ku jira, Madaxda ka  qeybgalaysay Shirka ayaana nasasho iyo wada-tashi ugu laabtay Waftigooda.

Shirka ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo maalinimada berrito ah, maadama is afgarad at ka gaareen Madaxdu qodobada la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September, waxaana Muqdisho ka soconaya qabanqaabada Munaasabadda saxiixa heshiiska.

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ka duwanaa Shirarkii hore, maadama uu ka maqnaa Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo oo lagu tilmaamo inuu ahaa qofkii ka dambeeyay fashiladii shirarkii hore.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading