Qabrigu waa Qaali : Xasan Shiikh oo Maydadkii Xamar Xaraashaya

Waxaan maanta tagay qubuuraha Iskool Boliisiya oo aan u raacay nin saaxiibkey ah oo doonay meydka walaalkiis oo ku dhintay qaraxii Tiyaatarka. Waxaan ka lugeynay iskuulka 21ᵏᵃ Oktoobar, maadaama uu jidku u xirmay jaam ka dhashay gawaari ambalaas u badan oo meydad ka soo qaaday qubuuraha. Intii aan sii lugaynayay waxaan jidka ku sii arkay dad wada barooranaya oo salli ku wado meydadka waalidkood, walaalahood, iyo awlaaddooda.

Qol yar ku dheggan iridka laga galo isbitaalka Yardameeli waxaa fadhiya koox ka socoto Gobolka Banaadir oo boono laga soo jaranayo. Sandaqadaha ka soo horjeedo isbitaalka waxaa hor tuban wariyayaal kaamirooyin sita oo loo diiday in ay qubuuraha galaan.

Iridka darbiga lagu wareejiyay quruubaha waxaa ku jaran gaari Cabdibile ah. Askar tobaneeye ah oo dadka handadeysa ayaa saaran gaariga. Luuq yar oo bannaan ayay ka galayaan dadka boonooyinka wato ee ay fasaxaan. Inta aadan qubuuraha galin waxaa lagu marsiinayaa baaritaan adag, si loo hubiyo in aadan moobeel wadan, si aadan u soo duubin qarracanka gudaha ka jira. Anigu wariyaha Shabeelle TV, saaxiibkey Zakariye Ahmed Muse oo ka mid ah wariyayaasha bannaanka tuban ayaan moobeelkii u dhiibtay.

Askari akhyaar ah balse aan go’aanka lahayn ayaa ku jiro. Sarkaal gadaal taagan oo arxandaran ayuu u sheegayaa codsiyada dadka aan boonooyinka haysan. Iridka hore ee qubuuraha waxaa dhooban boqolaal dad ah. Dadka halkan taagan waxaa ka mid ah hooyo waayeel ah oo ku calaacalaysa in fursad loo siiyo in ay gudaha u gasho qubuuraha, si ay u soo hubsato qabriga wiilkeeda oo askari ahaa, ka dibna ay soo raadsato kharashkii ay kula bixi lahayd. Balse lagama aqbalin.

Qubuuraha ayaan gudaha u galnay. Waxaa nagu soo kala orday xoogsato badiillo sidata oo u tartamaya in ay qabriga noo faagaan iyo darawallada gawaari ambalaas ah oo u soo shaqategay in ay maanta halkan ka shaqeystaan.  Xoogsade iyo ambalaas kasta ma gali karaan ee kuwaan waxaa keensaday Gobolka Banaadir. Qiimuhu ma go’ana balse faaqista qabrigu celcelis ahaan waa $70, kirada ambalastuna waa $40.

Waxaan dul tagnay qubuurihii. Dhinac kasta qabri la faagayo ayaa iiga muuqdo. Ehelladii ayaa dul taagan. Tiro ma leh dadka barooranaya ee ii muuqda oo dumar u badan, oo qarracmay markii bannaanka loo soo dhigay meydadkii aan sanado ka hor aaseen. Walaaca ay dadka ugu badan qabaan waa in aysan garaneyn qabriga meydkooda, maadaama aysan qabriyada badankood calaamad lahayn. Waxaa dhinacyadeenna yaacaya dad salli ku daddaaminaya meydadka dad ay jeclaayeen oo ay soo faageen. Waxaa la yaab leh in ehellada qaar loo soo saaray meydkii oo sidiisii ah, qaarna ay qalfooftii kaliya ugu tageen qabriga.  

Qoysas badan waxaa caawa u yaallla murugada iyo qarracanka waalid iyo walaal ay sanado ka hor duugeen oo maanta lagu qasbay, lacagna looga qaatay in ay soo bixiyaan, waxayna caawa la hoyanayaan naxdin iyo uurkutaallo ka daran tacsidii u taallay maalinkii ay meydkan aaseen.

20kii sano ee la soo dhaafay oo ay Muqdisho martigelisay dhacdo kasta oo qarracan leh ayaan u soo joogay. Maantase waxaan soo arkay dhacdooyinkii ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa ee aan waligey arkay. Waxaa layaab iyo amakaag leh in uu amarkaas ka soo baxay dowlad Soomaaliyeed oo ay u fatwoodeen wadaaddo calooshood-u-shaqeystayaal ah. Wasiir Axmed Macallin Fiqi wuu ka runsheegay markii uu shalay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay ayax dalka ku habsaday. Ayaxii maantana waa kaas qabriyada faagaya. Eebbe ha naga dulqaado.

W/Q Xuseen Sabriye

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading