Qafaalashada Ardayda Jaamacadaha oo si xowli ah uga socota Itoobiya

Maleeshiyada Shene oo kasoo jeeda Gobolka Oromiyaa ee toobiya,ayaa la sheegay in ay Afduubteen in ka badan Boqol Arday oo ah kuwa Jaamacadaha.

Ardayda,ayaa ka soo safray Gobolka Amxaarada,waxayna ku sii jeedeen Magaalada Adiss Ababa.

Ardaydan,ayaa ka soo kala kicitimay Magaalada Debarak iyo Magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada,waxayna ku safrayeen Sadex Bas oo ay lahayd Jaamacada Debarak oo nooca Dadweynaha qaada ah ee lagu magacaabo “Tata”.

Laba Arday oo kasoo baxsaday Ardayda la qafaashay,ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Basaska uu ka yimid Magaalada Bahir-Dar uuna ku sii jeeday Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana lagu joojiyay Tuulo yar oo u dhexeysa Goha Zion iyo Tulu Milki.

Goob joogayaal iyo Qoysaska la haystayaasha,ayaa u sheegay in Rakaabka oo u badnaa Arday wax ka barata Jaamacadda Debarak ee Gobolka Amxaarada ay Dableyda hubeysan ku qafaasheen Deegaanka Gerbe Guracha oo ka tirsan Waqooyiga Showa ee Gobolka Oromada.

Safaarada Maraykanku ku leeyahay Addis Ababa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in falalkaasi ay yihiin kuwo lidi ku ah sharciga.

Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noqnoqda ee ka dhacayay Gobollada Oromiya iyo Axmaarada,waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirradaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan Sharciga.

Afduubka loo geysanayo Dadka rayidka ah iyo Ardayda si Dhaqaale looga helo waa in la joojiyo. Toddobaadkii hore, in ka badan 100-Arday iyo rakaab ah,ayaa lagu afduubay Madax furasho,ayaa lagu yiri bayaanka Safaarada.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading