Qalabkii Doorashooyinka Degmooyinka Puntland oo la tijaabiyay

Xubno ka tirsan Guddiga Sare iyo shaqaalaha TPEC oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa maanta kormeeray tijaabo lagu samaynayay qayb ka mid ah qalabka casriga ah ee loogu talogalay diiwaangelinta codbixiyayaasha Puntland.

Qalabkaan wuxuu suuragalinayaa in dadka la diiwaangeliyo iyadoo la isticmaalayo hab casri ah oo qof walba laga sawirayo indhaha iyo wajiga (IRIS and Facial Recognition), taas oo suuragalinaysa in uusan qofna halmar ka badan uusan isdiiwaangalan karin.

Dhowaan ayaa deegaanada Puntland laga bilaabidoonaa diiwaangelinta codbixiyayaasha buuxiyay shuruudaha si ay udoortaan golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Puntland.

codkaaguwaaxaqaaga

codkaaguwaamustaqbalkaaga


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading