Qaramada Midoobay oo cambaaraysay go’aankii Trump ee Jerusalem (Daawo)

Shir degdeg ah oo uu isugu yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Qudus ay tahay Caasimadda Israel.

Xubnaha golaha ammaanka, marka laga reebo Mareykanka ayaa waxay si wadajir ah u cambaareeyeen go’aankii Trump.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Bariga Dhexe Nickolay Mladenov ayaa ka digay tallaabada ka dhalan karta go’aanka Mareykanka, waxaana uu xusay in isku dhac ka dhex bilaabata Israel iyo Falastiniiniyiinta ay keeni karto dhibaato aan la mahdin.

Dalal badan oo caalamka ayaa cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday Qudus inay tahay Caasimadda Israel.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inay maanta kulan degdeg ka yeeshaan go’aanka Trump, waxaana la filayaa inay soo saaraan qaraar.

Maalintii shalay waxaa hareerayay daanta galbeed dibad baxyo rabshado watay iyo isku dhacyo dhex maray Falastiniiyiin careysan iyo Ciidamada Israel,

Dhinaca kale Gantaalo ayaa lagu riday dhanka koofurta Israel, gaar ahaan magaalada Sderot, waxaana gantaalka laga soo riday dhinaca Gaza.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading