Qaramada Midoobay oo war hor leh ka soo saartay AIDS-ka

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in marka la gaaro sanadka 2030-ka dunida laga ciribtiri doono AIDS-ka.

Warbixinta,ayaa sidookale lagu xusay in si hadafkan loo gaaro ay ku xiran tahay barnaamijyada lagula dagaallamayo cudurka oo si buuxda loo maalgeliyo.

Dalalka Saxaraha ka hooseeya, oo 65% dadka qaba fayraska difaaca jidhka bini’aadamka (HIV) ee sababi kara AIDS-ka ay ku nool yihiin, ayaa horumar weyn ka samaynaya ciribtirka cudurka.

Dalalkaas ayaa waxaa kamid ah; Botswana, Eswatini, Rwanda, Tanzania iyo Zimbabwe oo durba gaaray bartilmaameedka “95-95-95”, sida ay sheegtay UNAIDS, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka.

Tani ayay macnaheedu tahay in 95% dadka la nool HIV ay ogyihiin xaaladooda HIV, 95% dadka garanaya xaaladooda waxay helayaan daawaynta kaalmaatig ah ee antiretroviral, iyo 95% dadka qaatay daawooyinka waxay xakameeyeen fayraska, taas oo ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in la isu gudbiyo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading