Qaramada Midoobey oo hakisay hawlgalkeedii Qasa

Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in ay si ku meel gaar ah u hakisay howlgalkii gargaar ee ay ka waday marinka Qasa sababo la xiriira amarro ay ciidamada Israa’iil ku amraan dadku in ay isaga baxaan bartamaha dhulka Falastiin.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay saxafiyiinta in shaqaalahooda bini’aadantinimo aysan awoodin in ay shaqeeyaan isniintii sababo dhinaca amaanka ah.

Awaamiirta ah dadku in ay isaga baxaan dhulka ayaa daboolaya qaybo ka mid ah aagga bini’aadantinimo ee ay Israa’iil u magacowday gudaha iyo hareeraha bartamaha magaalada Deir al-Balah.

Qaramada Midoobay,ayaa ku leh Xarunteeda ugu weyn,taasina waxay qasabtay in shaqaalaha hay’addu aag beddelasho sameeyaan iyaga oo isaga tagay Qalabkooda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading