Qaramada Midoobey oo Udigtay qolyaha Fadaraal diidka ah

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federaali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.
 
Warkan ayaa kasoo baxay fadhiga Golaha amaanka ee Qaramada midoobey uu ka yeeshay arimaha Somaliya .
 
Waa fariin si toos ah ugu socota Dalalka,kooxaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh hagardaamaynta dib usoo kabashada qaranimada Somaliya.
 
Fariintan waxay si gaar ah ugu socotaa quwadaha shisheeye ee faragalinta tooska iyo mida dadban ku haya arimaha Somaliya iyo kuwa gudaha ee diidan in nidaamka dowliga ah iyo xasiloonidu hana qaado,
 
Sidoo kale fariintan adag waxay ku socotaa qolyaha Fadaraal diidka ah ee Dowlad walba oo loo han weyn yahay wakhtigeeda ugu muhiimsan uga lumiya la dagaalanka nidaamka Fadaraalka ah.
 
Si gaar ah qolyaha xiligan horbooda Villa Somaliya ee la baxay Nabad iyo Nolol horayna u ahaa dhalinyaradii xisbigii Damjadiid ee Dowladii Xasan Shiikh ayay si toos u taabanaysa fariinta Qaramada Midoobey.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading