Qarax culus oo ka dhacay Degmada Jilib ee xarunta Al-Shabaab

Qarax aan noociisa lagaranaynin loona malaynaayo in uu ka dhashay guri lagu diyaarinayay miinooyinka iyo walxaha qarxa ayaa maanta salaadii casar kadib ka dhacay Degmada Jilib ee Gobalka J/dhexe.

Guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa daganaa xubno sar sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab, sida ay xaqiiyeen dadka degmada Jilib oo ay gacanta ku hayso Kooxda Al-Shabaab.

Ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo laga helayo qaraxaas ka dhacay degmada Jilib, waxaana uu kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay degmadaas iyo degaanada hoos-taga ay ka dhacayeen duqeymo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading