Gaari Bas ah oo Rakaab ka qaaday Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar,ayaa lagu qarxiyay isagoo maraya deegaan udhow Degmada Balcad sida laxaqiijiyay.
Dhamaan dadkii saarna uu kabadnaa labaatameeyo hal qof oo ka badbaaday majiro.
Dawladu waxay ku guulaysan la dahay jidka isku xira Balcad iyo Muqdisho oo isku jira wax ka yar 50-km in ay sugto amniga iyo badqabka dadwaynaha ee ku safraya jidkaas isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka ku dhow dhow,iyadoo dawladu ciidamo ku daabulayso Gobolo amni ah oo aad uga durugsan.
FOGAANTA UDHAXAYSA G/DALKA
Fogaanta u dhaxaysa magaalo madaxda Xamar iyo magaala madaxyada Gobolada dalka soomaaliya.
- Xamar iyo Baydhabo waxay isku jiraan 250km
- Xamar iyo Marka ……………………………………………………………….. 110km
- Xamar iyo Jowhar ……………………………………………………………….. 90km
- Xamar iyo Beled weyne ………………………………………………………. 360km
- Xamar iyo Bu’aale ……………………………………………………………… 485km
- Xamar iyo Kismaayo …………………………………………………………. 500km
- Xamar iyo Xudur ……………………………………………………………… 430km
- Xamar iyo Garbahaarey ……………………………………………………… 505km
- Xamar iyo Dhuusomareeb …………………………………………………… 550km
- Xamar iyo Galkacyo ……………………………………………………….. 750km
- Xamar iyo Garoowe ………………………………………………………… 925km
- Xamar iyo Boosaso ……………………………………………………….. 1505km
- Xamar iyo Laascaanood ………………………………………………… 1220km
- Xamar iyo Burco ……………………………………………………………. 1340km
- Xamar iyo Hargaysa ……………………………………………………. 1600km
- Xamar iyo Baki ………. …………………………………………………. 1800km
- Xamar iyo Ceerigaabo …………………………………………………… 1450km
Waa inta ay isku jiraan caasimada dalka iyo Gobolada dalku is waydii dawladu intay gacanta ku hayso waxad dareemaysa in aysan jirin wax gacanta ugu jiraba.
Tusaale waxaa kuugu filan xamar iyo Jowhar oo isku jira wax kayar 90-km iyo sidoo kale xamar iyo marka oo isku jira 110 km ayay dawladu isku furi la’dahay jidka isku xira waana labada Gobol ee labada dhinac ka jira Muqdisho.
Ogow waxaan ka hadlaynaa maaha Dowlad Goboleed ee waa Dowlada Fadaraalka Somaliya oo sheegata in haysato Ciidan ka badan 25.000 Askari ayna caawiyaan 23.000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.