Qarax iyo Qofkii waday oo lagu qabtay Bosaso

Qaraxyo iyo Ninkii waday,ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso Xarunta Ganacsiga Puntland.

Ciidanka Badda Puntland,ayaa Gacanta ku dhigay Qaraxaas iyo Ninka Sharwadaha ee siday.

Talaabadan waa mid bogaadin mudan oo ah Shaqo wanaagsan oo la qabtay,balse khatarta argagixisada kaga imaanaysa Bosaso kuma filna Hal Qarax iyo Hal Qof oo la helay.

Si weyn ayay usoo xoogaysanaysaa saamaynta Bosaso kooxda argagixisada ah ee Daacish,waxayna kusoo badanayaan Buuraha Cal Miskaad.

Sida xogaha amaan ee la helayo ay sheegayaan ku dhawaad 400 oo Maleeshiyaad ah oo 60% ay yihiin Shisheeye,ayaa ku sugan Buurahaas.

Walwalka ugu weyn ee ka jira guud ahaan Gobolka Bari,waa saamaynta kooxdaas ee isa soo taraysa.

Dowlada Puntland,waa in ay deg-deg uga hawlgashaa oo ka hor tagtaa intaysan aad utarmin kuna fidin gudaha Magaalada Bosaso.

Laba arimoodba,waa muhiim in lagu dhaqaaqo…

1.Ganacsatada ay baqdin gelinayaan oo ay Lacagta Baada ah ka qaadayaan in laga hawlgalo.

2.Ku dhawaaqista guluf ka dhan ah si dhakhso ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading