Qarax ka dhacay dekad ku taala Imaaraadka Carabta.

Waxaa la soo warinayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlay Dekedda magaalladda Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gubanayaan haamaha shidaalka ee yaallay dekeddaasi.

Dhowr ka tirsan Warbaahinta dalkaasi ayaa qoray in ” diyaraadaha Dagaalka ee Maraykanka iyo Faransiiska dul heehaabayeen Dekedda markii uu dabka ka kacay ” .

Ma kala cadda waxa xaqiiqdii sababay shilkaasi, waxayna warar dheeraad ah sheegayaan inuu qaraxu dhacay, kadib, markii ay dab qabsadeen ugu yaraan 7 Haamaha Shidaalka.

Ilaa haatan, Dowladda dalka Imaaraadka Carabta wax hadal ah kama soo saarin shilkaasi, mana jiraan faahfaahino ku aadan khasaaraha suurto-galka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading