Qarax ka dhacay Magaalada Beledweyn Ee Gobolka Hiiraan

Ilaa Labaatan Qof oo badankood shacab ah,ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax Gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah Qoys degganaa meel u dhow barta Kayntarool.

Sidoo kale Qaraxa,ayaa waxaa ku gubtay kaalmo Shidaal iyo Goobo Ganacsi oo ku yaalla hareeraha Laamiga.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada,ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray dhismooyinka ku ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay, oo lagu sheegay meel ay ku yaalaan Makhaayado iyo Dukaamo ganacsi oo mashquul badan.

Qaraxan,ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

Waxaa kaloo Aagga Qaraxu ka dhacay laga maqlayay Rasaas xooggan.

Magaalada Beledweyne,ayaa lagu tilmaamaa magaalada 2-aad ee ay ka dhaceen Qaraxyada ugu badan ee argagixiso marka laga soo tago Muqdisho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading