Qarax khasaare dhaliyay Oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Seddex ruux ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay miino la sheegey in lagu xiray gaari noocyada yar yar ee sida gaarka ah ay dadku adeegsadaan, gudaha Muqdisho, maanta.

Warka ay idilNews heleyso, ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu la socday nin magaciisa lagu soo koobay Cabdixafiid, oo la shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha gar-gaarka.

Xaaladda Cabdixafiid, ayaa la sheegey in ay liidato, iyadoo ay dhaqaatiirtu hadda la tacaalayaan.

Weerarka, ayaa ka dhacay gelinkii dambe ee maanta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading