Qarax lagu diyaarinayay Guri ku yaalla Muqdihso oo ku Qarxay Dadkii Diyaarinayay

Guri ku yaalla Xaafadda Buurka-Diikow Ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay waxaa ka dhacay Qarax Sababay Dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Dadkii Diyaarinayay.
 
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay Ninkii Diyaarinayay iyo Gabar yar oo uu dhalay,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Xaaska Ninka uu ku Qarxay Qaraxa uu diyaarinayay.
 
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo ka hadlay dhacdadan,ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah ,waxaana uu intaas ku daray in Ninka isqarxiyay uu dhawaan ka yimid Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellada Hoose.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading