Qarax xooggan oo goor-dhaweyd ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor-dhoweyd ka dhacay agagaarka Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada.

Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala eegtay Gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon.

Maareeyaha ayaa bad-qaba oo ma jirto waxyeello kasoo gaartay qaraxan, balse waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu soo gaaray qaar ka mid ah askartii ilaalineysay, waxaana la maqlayaa Gaadiidka gurmadka deg dega ah oo goobta Qaruxu ka dhacay gaaray.

Ciidammada Dowladda oo goobta gaaray ayaana hakad galiyay isu-socodka waadiidka wadada marayay, waxaana ay ka bilaabeen howlgallo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading