Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdisho todobaad gudihiis

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka cisbitaalka Xoogga ay ku dhinteen saddex qof.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay, waxaana ay ku qaraxday baabuur ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya oo waddada marayey.

Laba ka tirsan dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada saadka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Waa qaraxii labaad ee toddobaad gudihiis ka dhacay Muqdisho. Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ahaa oo 25-kii March ka dhacay magaalada.

Qaraxaas ayaa waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo isku qarxiyey meel u dhow baarkii hore ee Baar BULSHO oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah. Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmayba qaraxaas ayaa ahaa rayid.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading