Qardho: 8 Ruux oo ku geeryootay Daadadkii xalay & Madaxweyne Deni oo ku wajahan (VIDEO)

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegaya inay weli socdaan dadaalada lagu samata-bixinayo dadkii ku waxyeeloobay Daadad xooggan oo xalay kusoo rogmada magaaladaas.

Warar hordhaca ayaa sheegaya in dhimashada ka dhalatay Daadadkaas ay gaareyso 8 Ruux, kuwaas oo ay qaarkood ku dumeen dhismayaal, halka qaarna ay qaateen biyuhu.

Sidoo kale, Daadadkan oo ka dhashay roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay dhulka Buuraleyda ah, ayaa sababay inay dumaan guryo dad shacab ah lee yihiin, sidoo kale biyuhu qaataan Gaadiid iyo Goobihii ganacsiga ee ku yaalay magaalada Qardho.

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland (Daraawiish-ta), ayaa lagu daabulay magaalada Qardho si ay uga qeyb-qaataan howlgalada gurmadka ah ee loo sameynayo shacabka, waxaana sidoo kale halkaas ku sugan Ciidamo Boolis ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku wajahan goor-dhow magaalada Qardho, isagoona hoggaamin doona howl-galada samata-bixinta ee dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana xusid mudan inaan la ogeyn sida uu halkaas ku gaari doono Madaxweynuhu maadama ay go’day buundo weyn oo ku taala wadada xariirisa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading