Uhuru oo ka dagay Kinshasa si weyna loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ka degay Magaalada Kinshasa ee Caasimadda DR Congo, saacado uun kaddib markii uu isaga soo laabtay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa Isniintii baahisay in Uhuru Kenyatta uu diiday inuu Kinshaasa kula kulmo Farmaajo, si xal looga gaaro muran Badda Kenya ku heysato dalkeenna, maadama uusan aheyn Madaxweyne sharci ah.

Idil Television


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading