Qatar oo niyad xumo ka muujisay go’aan ay qaadatay Taliban

Dowlada Qadar ayaa door muhiim ah ka cayaartay in wada hadal lala bilaabo Taaliban. balse haatan Qadar waxay niyad xumo ka muujisay hannaanka Taliban kaddib markii ay la wareegeen Afghanistan. Qadar waxay sheegtay in go’aanka kooxda ee gabdhaha uu ahaa mid aad niyad jab u leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in kooxda ay ku qasban tahay inay eegto sida xukuumadda Islaamiga ah ay uga howlgasho Qadar.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay caasimadda Dooxa iskula qabteen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Joseph Borrell. Kaddib markii ay xilka qabteen, Taaliban ma aysan oggolaan in la furo dugsiyada sare ee gabdhaha Afghanistan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa yiri, “Go’aannadii dhowaan ee Afghanistan waa kuwo nasiib darro ah. Tani waa arrin niyad jab weyn leh oo dib u dhac ah.”

Tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Afghanistan bishii la soo dhaafay iyo wixii ka horreeyayba, Qadar door gaar ah ayay ku lahayd dalkaas. Qadar waxay garoonka Kaabul ka daad-gureysay muwaaddiniin ajaanib ah iyo kuwo Afghanistan u dhashay tan iyo imaanshihii Taaliban.

Qadar sidoo kale waxay la shaqeysaa dowladda cusub ee Taliban waxayna ka shaqeyneysaa dib u furidda garoonka Kaabuul.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading