Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweysay qaxooti u dhashay Dalka Yemen iyo Soomaali ka soo cararay colaadaha Yemen, kuwaas dooni siday ay maanta kusoo xiratay Dekedda Boosaaso.
Dadkan Qaxootiga ah ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 164 qoys oo u badan haween iyo caruur, waana doonidi seddexaad oo soo gaarta Boosaaso maalmihii ugu dambeeyay.
Xaaladda Yaman ayaa kasii daraysa sababo la xiriira saameynta uu u gaystay virus-ka corona.









Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.