Qaxooti Soomaaliyeed oo Khasab Lagaga Saaray Xerada UNHCR ee Tripoli

Hay’adda qarxootiga ee UNHCR ayaa wadda dadaalo ay dadka qaxootiga ah kaga daadgureyneyso magaalada Tripoli ee dalka Libaya oo ay wali ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Hase ahaatee waxaa dhinaca kale jira dad Soomaali ah oo cabsi ka qaba in ay dhibaato ka soo gaarto dagaaladaasi, kadib markii sida ay sheegeen ay UNHCR ku amartay inay ka baxaan xarunteeda, iyadoo qaar kalana si khasab ah uga saartay xarunta.

Xuseen Xasan Cali oo ka mid ah Soomaalida ku jira xerada UNHCR ee magaalada Tripoli oo ka sheekeynaya xaaladda ay ku sugan yihiin Soomaalida qaxootiga ku ah Tripoli, isagoona tilmaamay inay xaalad adag ay wajahayaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading