QM iyo Midowga Afrika oo aqbalay Codsigii Dowlada Fadaraalka Somaliya

Codsigii Dowlada Somaliya ee ahaa in dib loo dhigo bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ka socda mudo 3-bilood ah,waa la aqbalay.

QM waxay amartay Qaybteeda UNSOS in ay hakiso daabulida Ciidamada iyo Qalabkooda.

Sidoo kale 15-ka Wadan ee ugu muhiimsan Golaha amaanka ee Midowga Afrika,waxay wada taageereen Codsiga Somaliya,waxayna ballan qaadeen dhaqaalaha ku baxa Mushahaarka iyo kharashka kale ee Ciidamada ATMIS in ayagu kabayaan hadii Midowga Yurub laga waayo.

Nigeria iyo South Afrika,waxay ballanqaadeen min $3-Milyan,halka Dowladaha kale ay ku yabooheen inta udhaxaysa $400-kun ilaa 500-kun.

Sida xogaha hoose sheegayaan maba jiri doonaan Ciidamo ATMIS ah oo ka baxaya Somaliya 5-ta Sano ee soo socota,sababtoo ah lama hayo,mana qorshaysna diyaarintooda Ciidamadii Somalida ahaa ee badali lahaa.

Wadamada Afrikaanku ma rabaan in argagixisadu la wareegto Xamar oo ay Afganbiso Dowlada taagta daran ee Villa Somaliya.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading