QM: Kumanaan qof ayaa ku barakacay dagaalkii Wisil

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka arrimaha bani’aadanimada, ayaa war ay soo saartey sheegtay kumanaan dad gaaraya iney ku barakaceen dagaalkii ka dhacay degaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

Qoxootigan ayaa waxey u kala carareen degaannada xeryo Dhagaxleey, Hobyo iyo Gaalkacyo.

Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa ku boorisay dhinacyada dagaalamaya iney dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah.

Wisil ayey shaley ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaal yahano katirsan al-Shabaab, kadib markii Al-Shabaab ay degaankaas ku qaadeen weerar ku billowday qarax.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading