QM oo ka hanbalyaysay Xubinimada Somaliya Ee Golaha amaanka

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysa maanta in dalkooda loo doortay kurisga Golaha Ammaanka QM ee 2025-2026.

“Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada loo doortey kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartey ee ammaanta mudan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah James Swan.

 “Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu raaciyay.

Soomaaliya in ay Golaha Ammaanka QM xubin ka noqoto waxaa ugu dameysay 1970-1972.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading