QM oo sheegtay in dambiyo dagaal ka dhaceen Itoobiya

Baaritaan ay Qaramada Midoobay ku sameysay xad-gudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacey gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya, ayaa lagu ogaadey in dhammaan dhinacyada isku haya colaadda ay geysteen xadgudubyo ka dhigan in la galey Dambiyo Dagaal.

Warbixintu waxey si faah faahsan uga hadashey dilalka loo geystey boqolaal qof oo rayid ah.

Dagaalka ayaa bilawdey 4-tii bishii November, ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Wuxuu bilawdey dagaalka markii ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed, uu amar ku bixiyey duullaan ka dhan ah ciidamada gobolka Tigreega.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading