Qoor-qoor iyo Beesha Cayr oo si adag iskugu dhacay

Qoor Qoor,ayaa shalay galab gaaray magaalada Cadaado waxaana soo ifbaxay khilaaf culus oo kala dhaxeeya saraakiisha ciidamada ee beesha Ceyr.

Khilaafkaas,ayaa salka ku haya gadiidkii iyo hubkii Ahlu-Sunna oo mar kale ku laabtay gacanta Jeneral Mascuud Maxamed Warsame, oo horay u ahaa taliyihii ciidamadii Ahlu-Sunna ee markii dambe ay la wareegtay dowladda federaalka.

Wareejinta gaadiidka iyo hubkaas oo ku xareysnaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa xilkiisii ku waayey taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore.

Qoor Qoor ayaa Cadaado uga sii gudbi doona magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo ciidamo cusub oo ku biiraya daraawiishta Galmudug oo dhawaan aas-aaskoodu bilowday.

Horay waxaa deegaanada Galmudug uga taagnaa khilaaf u dhaxeeyey saraakiisha beesha Ceyr iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Qoor Qoor iyo Fiqi waxay xooga saarayaan sidii ay u dhisan lahaayeen ciidamo iyaga toos uga amar qaata.

Qoor-qoor waxaa gacantiisa ka baxay maadaama saraakiishii hoggaaminaysay Maleeshiyaadkii Ahlusunna oo markii danbe u xuubsiibtay Ciidan ka amar qaata Villa Somaliya.

Qoor Qoor oo khilaafkaas aawgiis badalay talyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Galmudug,waxuuna Villa Somaliya ka dalbaday ciidan Haramcad ah.

Villa-da oo ka jawaabaysa dalabka Qoor Qoor,ayaa Dhuusamareeb ka dejisay 200 oo askarta Haramcad ah, kuwaas oo uu hoggaaminayo taliye Farxaan Qaroole.

Dhuusamareeb iyo Cadaado oo hada Qoor-qoorvku sugan yahay,waxaa ka socda dadaal lagu qaboojinayo xiisada oo ay wadaan rag uu ugu horeeyo Talyaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Hubkii iyo Gaadiidkii beesha Cayr ee horay u ahaa Ahlusunna,ayaa laga saaray intii uu Muqdisho ku maqnaa Qoor Qoor Madaxtooyada, iyadoo taliyihii hore Najiib Xirsi uu ku wareejiyey Jeneraal Mascuud oo hada ku magacaaban taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee militeriga Dowlada Fadaraalka .

Qoor -qoor waxuu ku adkeysanayaa in Gaadiidka iyo hubka Ahlu-Sunna lahaan jirtay ee hada ay gacanta ku hayaan Saraakiil udhashay Beesha Cayr lagu wareejiyo Wasaaradda amniga Galmudug.

Balse Jeneraal Mascuud iyo saraakiisha la safan,ayaa ku doodaya in hubkaas uusan aheyn hub dowladeed ee uu yahay hub beeleed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading