QoorQoor oo daah-furay Mashruuca Biyoole (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah-furay mashruuca “Biyoole” oo ah mashruuc ka shaqayn doona horumarinta dhinacyada: Biyaha, Beeraha,Deegaanka iyo Daaqa, waxaana mashruucaan Galmudug ka caawinaya Banka adduunka.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u fullin doonaana wasaaradaha kala ah; Wasaaradda Qorsheynta oo mashruuca hoggaan ka ah, wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Wasaarada Deegaanka.

Mashruuca Biyoole qeybtiisa Galmudug waa 5 Malyan oo doollar waxaana ka faa,iideysan doona 25 kun oo ka faa,iideyste, oo 14 kun oo ka mid ah ay haween yihiin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading