QoorQoor oo gaaray Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ku soo dhoweeyay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa shir wadatashi ah goordhow uga furmaya Baydhabo, waxaana la filayaa marka shirkooda soo dhamaado in isla maanta si wadajir ah u yimaadaan Muqdisho, si maalinta berri ay uga qeyb galaan Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading