Qoorqoor oo qaabilay guddiyada Hirgalinta Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor, ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay xubna ka socday labada guddi ee kala ah; Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kuwaas oo shalay booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddigan oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa kala hadlay Madaxweyne Qoorqoor sidii loo dar-dar galin lahaa hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, weli ma shaacin musharraxiinta xubnaha Aqalka Sare, waxaana dhowr jeer oo hore guddigan uu ka codsaday inuu soo gudbiyo musharraxiintaas.

Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading