Qoorqoor oo war kasoo saaray doorashada Senatorada Galmudug matalaya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa u hambalyeeyay lixda xubnood ee maanta Golaha Baarlamaanka Galmudug u doorteen inay ka mid noqdaan Golaha Aqalka Sare ee BFS oo ay Galmudug ku matalaan.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa u mahad celiyay Guddoonka iyo golaha Baarlamaanka Galmudug iyo guddiyada doorashada heerarka kala duwan sida habsamida leh ay u qabteen doorashada maanta.

Sidoo kale Xildhibaannada Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb waxaa u hambalyeeyay qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading