QoorQoor “Galmudug waxay bilaabaysaa howlgallo ay codowga uga xoreysanayso degaanadeeda” (VIDEO)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo xalay ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb oo lagu taageerayay natiijadii ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3  ayaa ka mahadceliyay kaalintii dadka reer Galmudug ka qaateen shirkaas.

Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug ay guul ka gaartay shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ka soo baxeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan hannaanka doorashada dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne QoorQoor ayaa sheegay in Galmudug ay dhowaan qaadi doono howlgalo ay uga xoreyneyso deegaanada laga heysto.

“Galmudug waxay qaadi doontaa howlgal ay cadawga kaga xoreyneyso deegaanada ay heystaan”ayuu ka yiri Munaasabadda Madaxweyne Qoorqoor.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay mar walba taageerada shacabka, si looga guuleysto amniga iyo meelaha cadawga heysto.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya inta badan deegaanada dhanka bari ee Galgaduud iyo qeybo ka mid ah degmooyinka xeebta ah ee Gobolka Mudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading