Qormo:-Fashilka Xasan Shiikh,waa Badbaadada Wadanka

Alleyle Xasan meeshii la rabayayuu kusoo dhacay…

1.Dastuur ku falaadidii waa kakac.

2.Doorasho diyaarsashadii waa kakac.

3.Dagaalkii argagixisada,waa kakac.

Sadex Sano,waxa uu kasoo Shaqaynayay,waa Hal Bacaad lagu lisay.

Saakay,waxay kusoo ururtay Sanad Doorasho oo haray iyo taladii oo Dhulka taala.

Kusoo dhawoow waaqiciga iyo waxay PL 3-Sano ka hor kaaga digtay.

Farmaajo,wixii uu isku dubaritay Xabad baa looga kala daadiyay balse Xasan Hadal,ayaa looga riday.

Markaad talo xun tahay,oo Cuno jeceshahay oo Qabyaaladuna kugu xoog badan tahay sida Xasan,ayaad ceeboobaysaa.

Waxa uu awooday…

B.In uu Wadanka mideeyo.
T.Argagixisada wadajir loola diriro.
J.Ciidan Qaran lawada dhisto.
X.Dhaqaalaha la midaysto.

Kadibna haduu markale han leeyahay isa soo sharaxo,isagoo xurmo loo hayo,isla markaana Dhaqaalaha uu jecel yahay si qurxoon oo asturan ku sameeya.

Somali isqaadata oo isqabasha hirgelinteed in uu Oday unoqdo,ayuu awooday Xasan,marka laga tusaale qaato Maalinkii Xukunka uu qabtay sida xaal ahaa.

Fursada uu lumiyay,waa in uu isku dhigi lahaa Aadan-cadihii Labaad ee Wadanka.

Nasiibdarro jiho aan loogaba fadhiyin oo aan wax dan ah ugu jirin,ayuu la aaday taladii.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading